Jaamacadda #Somaville ayaa galabta soo gaba-gabeysay tartanka kubadda Cagta ee ardayda dhigata jaamacadda #Somaville_Championship oo loo qabtay ilaa 16 kooxood oo ka kala socday kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda #Somaville isla markaana tartankaan cayaarayay muddo bil ah.
Guddoomiyaha Jaamacadda #Somaville Dr Cabdi nuur Sheekh Axmed iyo Maamulaha guud ee Jaamacadda Somaville Dr Cabdi Samad Sheekh Yuusuf, ayaa ka qeybgalay xeritaanka Tartanka cayaarta ugu dambeysa oo ay wada cayaareen labada kooxood ee kala ah Public Health iyo cumputer Science waxaana guusha ay raacday Public Health oo afar gool kaga badisay dhigeeda cumputer Science.


































































