Ardayda Kuliyadda Qalliinka iyo daawada ee Ms20 Batch 6, ee Jaamacadda Somaville ayaa maanta qabtay Barnaamij ka kooban ilaa saddax qeybood oo kala ah: Baaritaanadda Sokorta, Dhiigkarka, iyo sido kale Wacyi-galin cafimaad.
250 Ruux ayaa ka faa’iideystay oo si lacag la’aan ah ardayda ay ugu sameeyeen baaritaanadii ay u baahnaayeen, waxaana dadkii laga helay loo sameeyay talooyin cafimaad iyo wacyi-galin guud.

















































